Posts

Showing posts from March, 2019

WADADA GUUSHA (kalsoonida nafta)

Image
KU KALSOONOOW NAFTADA DADKA AFLAXAY WAXAY KU KAL SOON YIHIIN NAFTOODA IYO KARTIDA AY LEEYIHIIN Dhag ha u dhigin dadka dhaqanka u leh erayga ( ma kari kartid ). iskugu gee dadaalkaaga hal meel ama hal mawduuc, waxaa hubaal ah inaad guul ka gaaraysid. Naftaada ha liidin, wanaajina aragtida aad ka haysato naftaada, waayo haddii aad isla xumaatid waligaa meel ma gaaraysid. waa inaad naftaada u sheegtaa inaad tahay nin rageed tirtirsi u baahan. ku fikir mar walba waxa naftaada u roon, kana ilaali naftaada walwalka iyo walbahaarka. haddii aad ku talaxtagto fikirka waxaa laga yaabaa inaad ka qaado fikirkaas cuduro falkood la waayey.   ha la babar dhigin naftaada dadka kale, siiba kuwa fashilmay. dhag jalaq ha u siin dadka doonaya inay fadhiid kaa dhigaan. Raadi meelaha aad ku liidato kadibna wiiq meelahaas, sidoo kale baadh meelaha aad ku wanaagsantahay, dabeetana xooji meelahaas. yabaalka iyo cabsida aad ka cabsanayso tijaabada waa fashal kadinkiis. kaalmaysiga Alla

Xidhidhka Qaldan ee dhalinyarada iyo natiijoyinka ka dhalan kara

Image
Qaladaadka inta badan ay dhalinyaradu ku kacaan xidhidhka Guurka ka hor way fara badanyihiin. Waxaase ka mid ah oon ka xusi karaa:- 1. In lagu wada hadlo ama la adeegsaso erayo xaaraan ah oo loogu tala galay lamaane is qaba. Tusaale, macaane xabiibti, xayaati, qalbi, qurux, sharaf, babe, nolosheyda /(Laysma qabo) iwm. Kuwaas oo caadiyan sii kiciya ama sare u qaada shahwada labada qof, kadibna sababi kara qaladaad kale oo intaas kasii daran. 2. In la wada helo muddo fara badan, tusaale: hal saac, laba saac, sedeex saac iwm. Maxaa intaas oo dhan la sheegayaa? waa su'aal is weydiin mudan. 3. In baraha bulshada, gaar ahaan Fb iskugu qoraan geeraaro, erayo ama heeso miro macaan leh, kuwaas oo ay uga dan leeyihiin in ay dadka tusaan dareenkooda jeceyl iyo heerka uu gaarsiisanyahay. Balse run ahaantii waa mid laga qurux badanyahay. 4. In laysku diro sawiro khaas ah oo hadba ka turjumaya xaalad khaas ah iyo isku hadiyadeen dareen jaceyl. Ogoow sawiradaasi mawada

Sheekadii guusha ee Oprah Winfrey

Image
Ma Waxaad Ku Nooshahay Nolol Adag? Ma u malaynaysaa in noloshaadu adagtahay? Ma u malaynaysaa in aanad guulaysan karin sababtoo ah faqiir baad tahay? Ama sababtoo ah malihid hanti kugu filan? Hadaba waxyar sug hadaad saa moodaysid ilaa aad ka arkaysid sheekada noloshii Oprah. Oprah waxay ka dhalatay qoys faqiiriin ah. Hooyadeed iyo aabeeheed waxay ahaayeen qaar markasta isdagaala oo isfahan fiicani aanu dhex oolin ugu dambayntiina kala tagay. Oprah waxaa loo diray ayaydeed si ay ula noolaato. Waqti kadib Oprah waxaa dib loogu diray hooyadeed, taasi oo aan siin jirin daryeel iyo dareen badan. Waxaan umalaynayaa inaad sawiran karto dhibaatada ay leedahay waalidkii ku dhalay oo iska kaa fogaynaya kuna ignoregaraynaya. Oprah waxay dareentay inaan la jeclayn waxaanay bilawday inay istcimaasho daroogooyin iyo maandooriyayaal si ay iskaga yarayso murugada iyo xanuunka niyadeed ee haystay. Waqti kadib Oprah waxaa loo diray aabaheed si ay ula noolaato, kaasi ahaa nin aad u

Nolosha waynu ku xadgudubnay markaynu garan wayno hadafka leynoo abuurey.

Image
Nolosha waynu ku xadgudubnay markaynu garan wayno hadafka leynoo abuurey. .

Nolosha inaad Guul u horseedo

Image
Nolosha inaad Guul u horseedo ummadd dhan ma sahlana balse haddi aad ku Guuleysato ood xoreyso waata ugu wanagsan. Sidaa ay tahay waxa dhacdo ah in marnaba lagu xusuusan wax qabad kaagii balse adigu hadaf kaagi mu ahayn ammaan laga gala dabo dhaco iyo bunbuunin jirin,sida darteed yeynaan sameyn kugu yeelan . Madaxaaga kor u sara qaad oo tiifti yareyd ee kusoo gaadhay iska masax ummaddana adeegi hufana la'is garab taag taas ayey kujirta danta Gar-ahaaneed iyo midda Guud. W.Q Ismaciil geedi.

"Buug Ama kiitab kaliya oo aad akhrido

Image
"Buug Ama kiitab kaliya oo aad akhrido 3 goor wuuxuu ka waxtar badan yahay in aad akhrido 3 buug ama kitaaab oo kala duwan" iskuday in aad dulqaad uyeelato ku cecelinta akhrinta hal buug ama kitaab illaa aad si fiican ufahantid fikradda buuga ama kitaabku xambaarsanyahay. W/Q Eng Yahya Abass Ahmed

Aqoontaada Koordhi marwalba.

Image
Aqoontaada iyo khibradaada Waxa aad ku kabi kartaa Adiga oo ku deyda dadka aad Rumeysantahay in aad sidooda Oo kale noqoto ee shaqadooda Ku wanaagsan. U fiirso qof aad Jeceshahay in aad sidiisa oo kale Noqoto eeg sida uu u hadlo ee U dadka u qanciyo sida uu isu Taago ee uu dadka u dhegeysto Sida uu go,aanka u qaato, sida Uu u dhaqmo marka culeys soo fuulo Amma la dhalleeceeyo sida Uu u maareeyo. Taa macnehedu Mahaa qof aanad aheyn iska dhig Balse waa aqoon ka korodhso Oo ha isku haleyn uun wixii aad Buugaagta ka akhridey. W/Q Eng Yahya Abass Ahmed

"Noqo qof maskaxda tuujiyay"

Image
Nolosho waxa ay kaa xigtaa Xagga mustaqbalka waayo Intii ku dhaaftey dib uguma Noqon kartid wakhti ha iskaga Qaadin waxa maanta taagan Ka hadalkiisa-cashar ka baro Oo iska dhaaf waxa iminka Dhacayaa waa wax mar hore la Qorsheeyey amma bilaabmey Oo aad iminka arkeyso uun Natiijadiisii rabto ,berri wixii dhici Lahaa maanta sii qorshee wixii Kale dambe dhici lahaa kuu sii Muuqdo, oo u sii tabaabusheyso Arrmah kaa hor iman kara oo Dhan sii faallee sid a ugu xun ee Ay wax noqon karaan is weydii Markaana is weydii haddiiba ay Sida adag ay noqoto wixii aad Yeeli laheyd. W/Q Eng Yahya Abass Ahmed.

Markasta u qofku kabaxo gobaha(confort zone)

Image
Mar kasta oo uu qofku ka boxo goobada uu la qabsaday (confort zone), waxa dabiici ah in ay baqdini gasho. Waxa se lagu kala duwan yahay sida baqdintaa loo wajaho iyo sida looga fal-celinayo. Dadka horumarka ku tallaabsada, baqdinta way dareemaan horayna way uga socdaan. Dadka fashiilka ahna marka ay baqdintaasi dareemaan, waxay judhiiba dib ugu laabtaan goobihii ay la qabsadeen. 'Bartii yaqaan bari uma korodho' Maahmaah Soomaaliyeed. Waxa qoray Eng-Yahya abass

"CABSIIDA DIB BEY KU DHIIGTA"

Image
Dadku inta badan kama cabsadaan ineey khalad sameyaan ee waxay ka cabsadaan natiijada ka imaan karto khaladkaas. Hadaba haddii aad ku dhex noshahay bey'ad inta badan aan dulqaad lahayn oo khalad walba oo ka dhaca wax kaga sheegaya, marwalba farta kuguso fiiqaya. Waxaad ubadantahay inaad dib uga dhacdo horumarka aad higsaneyso. Wayo waxa marwalba ku hor tagaan cabsiida. "Aarma sidaas iyo sidaas lagu yiraahdaa". Taasina waxay kugu Keeni kartaa inad maalin walba dib usi dhigto wax walba oo horay kuu wadi lahaa. Maalinta aad go'ansato sida aad adiga isu aragto ineey ka muhiimsan tahay sida aay dadka kale ku arkaan waxa so afjermayo cabsiida marwalba dib ku dhigeeyso. F.G "Haddii aad rabto inaan guul gaadho, ahdaaftaadana aad xaqiijiso, ha cabsan, balse waajah cabsida. Sida kaliya eed cabsida aad ku baabin kartaa, wa inaad marka hore iyada aad waajahdo. La saaxiib dadka kalsoonida badan, waxaad arki shay aad ka cabsatay oo ay iyagu horre u sameeye

"QOF HAN YARI MA HANAQAAD"

Image
Hanku waa hubka ugu culus ee qofka aadanaha ahi leeyahay, inta uu hankaagu yahay ayaad adiguna tahay. Ibn Qayyim (AHUN) baa laga sheegaa inuu yidhi "Caamadu waxay tidhaahdaa qiimaha qofku waa waxa uu wanaajiyo, dadka caqliga u saaxiibka ahina waxay yidhaahdaan qiimaha qofku waa waxa uu dalbayo" Haddaba, adigu waxaad tahay waxa aad doonayso innaad xaqiijiso. Hadduu wayn yahay waxa aad doonayso innaad xaqiijiso waxaad tahay qof wayn, hadduu yaryahay w axa aad doonayso inaad xaqiijisana waxaad tahay wax yar. W/Q Eng Yahya Abass Ahmed

Fikirku waa wax lobahanyahay

Image
“Haddaad u fekerto sidii aad waligaa u fekeri jirtay, wuxuun baa kugu dhalan dareenkii waligaa kugu dhalan jiray. Hadduu kugu dhasho dareenkii waligaa kugu dhalan jiray, wuxuun baad samayn wixii aad waligaa samayn jirtay. Haddii aad samayso wixii aad waligaa samayn jirtayna, wuxuun baad ahaan wixii aad waligaa ahaan jirtay.” Nolosha qofka waxa haga, samaan iyo xumaanba waxa qaabeeya hadba sida uu qofku u fekerayo. Haddaad doonayso innaad noloshaada u horseeddo is-baddal dhab ah, marka hore baddal hab-fekerkaaga oo ballaadhi si-u-araggaaga nololleed, dabadeedna kobci kasmadaada oo ku hubee cilmi sugan iyo ciibado saxan. W/Q Yahya Abass Ahmed

Noqo qof niyadjabinta dadka Dhageeysan

Image
Wax jira marar tashuush kugu Furmayo  oo kaa kala tuurayo Qorshahaaga saxiibadaa qaarkood Waa dad si toos ah kuula hadlaya oo Ku odhanaya waxan aad wado Hore ayaa loogu soo daaley ee Waqtiga ha iskaga lumin mararka Qaaarkood waxa laguu sheegayo Wax u eeg ayaa isku kaa sawiraya Oo laga yaabo inaad rumeysato Ha dhageysan hadalada noocaas ah. Marka aad hadaf leedahay Waxa jira qaar nolosha hore Uga dhacay oo si dadban kuu Niyadjabinaya oo marka aad Aragto aad is odhneyso maxaad Kaga daali hebel ama heblaayo Oo aad yaqaaneyba waataa aan Dadaalkeedii waxba ka heyne. W/Q Eng Yahya Abass.

"noqo qof dadka cawlan quudhsan"

Image
Macluumaadka aad rabtaa marar badan waxay la yaalaan dad caadi ah oo aad marar badan indhaha ka laliso oo aad yareysato. waxa dhici karta in aad dad waaweyn iyo mas,uuliyiin barashadood Ku mashquusho marka aad hal gameyso dadka waaweyni kuumaba jeedaan oo uuma tirsanid ee wakhti ha iskaga lumin dadkan aad dhaafdhaafeyso ayay fikrado badani Ku jiraan qaar aad dabeecadooda ama kugu kordhin karaan. sidaa dareed, dadka cawlan Amma adiga kaa duwan amma aan madax u muuqan ha quudhsan ee dhageyso oo wax weydii. W/Q Eng Yahya Abass Ahmed

"Waan gacan la'ahay uun meel uma fadhiisan"

Image
D abcan xaq buu u lahaa innuu dawarsado, cid gacanta shilimo ugu riddana ma waayeen, wuxuu se garwaaqsaday in weli gummudkiisu gacanta kale wax la qaban karo. Markaasuu ka kaaftoomay innuu qof kale gacanta hoos dhigto. W/Q Eng Yahya Abass Ahmed

"Sheekadii guusha ee Morgan Freeman"

Image
Sababta dad badani uga aaminsan yihiin fikir qaldan guushu waa iyagoo arka uun natiijada ugu dambaysa ee shaqo adag oo uu qof soo qabtay, isla markaana umaleeya inay nasiib ahayd. Wali ma maqashay sheekada nin la yidhaa Morgan Freeman. Haddii aad waxbadan daawato filimada hollywood-ka waxa laga yaabaa inaad ogtahay inuu ka mid yahay aktarada hollywoodka loogu tixgalinta badan yahay, ee ku guulaystay marar badan bilada filimada ee loo yaqaano ( Oscar prize). Taasi waa waxay dhab ahaan ka yaqaanaan dadku agteerkan, balse wax fikrad ah maka haysataa halgankii uu soo maray ka hor inta aanu noqon akteer caan ah oo guulo waawayn gaadhay. Sheekadii MorganFreeman Morgan freeman wuxuu ku dhashay dalka maraykanka taariikhdu markay ahayd 1937, waqtigaasi oo ku beegnaa waqtigii midab takoor lagu hayay dadka madoobi uu aad u xooganaa. Iyadooy ay ugu wacan tahay dhibaatadan iyo cadaaadiskaa midab takoorka, qoyskiisii waxay go'aansadeen inay u guuraan meel kale si ay u helaan nolol ka fi

Sheekadii Guusha Jack Ma (Alibaba.com)

Image
Sheekadii Guusha Jack Ma (Alibaba.com) Jack Ma waa muwaadin u dhashay dalka china, kaasi oo ku guuldaraystay inuu ku biiro college-ka tiraba saddex jeer, ugu dambayntiina wuxuu si dirqiya ku dhaafay imtixaankii kadib markii uu sameeyay diyaarin iyo dadaal caadiga dhaafsan. Wuxuu isku dayay inuu shaqo ka helo maqaaxi cuntada lagu kariyo, laakiin badankoodii way diideen inay shaqada galiyaan. Kadib markii uu codsiyo badan oo shaqo ah meelo kala duwan u dirsaday eeloo diiday ayaa wuxuu go'aansaday inuu shaqo macalinimo raadsado sababtoo ah wuu ku guuldaraystay inuu shaqo taa dhaanta helo. Jack wuxuu dhigi jiray luuqada English-ta isagoo qaadan jiray lacag ka yar 10 dollar bishiiba. Ka hor intii aanu bilaabin dhigista luuqadan, Jack Ma wuxuu aad u jeclaa inuu horumariyo habka uu ugu hadlayo luuqadan, waxaanu 45 daqiiqo u kaxaysan jiray baskiishiisa maalin walba Huteel u dhaw oo ay dadka dalxiisayaasha ahi ku soo dagi jireen si uu ula hadloluuqadana English-tana iskaga dhiso. Jac

Important Life Lessons You Must Learn Before It's Too Late

Image
Words: Think before you speak. Words have the power to cause irreparable harm, always choose them carefully. Kindness: If you are giving back you’ve already taken too much. Looking at those billionaires who hoard wealth their entire lives to ‘philanthropically’ give it away with their impending deaths. Evolve and grow: Life’s about progress, we can either move forward and relentlessly improve or be consumed and surpassed by the horde which stands in wait behind us. Standing still is proportionate to regression. Resources: Time is your most valuable resource; there are no refunds or second chances for that which you waste. Retire from social networking, break free from TV, and reduce the arbitrary drains on your time each day. Experiences: Spending the 6 months prior to your death completing your bucket list is no way to live as everything you do will be done with a tinge or sadness and regret. Live your life as if you are terminal, you are, and do the things you want wi