"Sheekadii guusha ee Morgan Freeman"

Sababta dad badani uga aaminsan yihiin fikir qaldan guushu waa iyagoo arka uun natiijada ugu dambaysa ee shaqo adag oo uu qof soo qabtay, isla markaana umaleeya inay nasiib ahayd.
Wali ma maqashay sheekada nin la yidhaa Morgan Freeman.

Haddii aad waxbadan daawato filimada hollywood-ka waxa laga yaabaa inaad ogtahay inuu ka mid yahay aktarada hollywoodka loogu tixgalinta badan yahay, ee ku guulaystay marar badan bilada filimada ee loo yaqaano ( Oscar prize).

Taasi waa waxay dhab ahaan ka yaqaanaan dadku agteerkan, balse wax fikrad ah maka haysataa halgankii uu soo maray ka hor inta aanu noqon akteer caan ah oo guulo waawayn gaadhay.

Sheekadii MorganFreeman

Morgan freeman wuxuu ku dhashay dalka maraykanka taariikhdu markay ahayd 1937, waqtigaasi oo ku beegnaa waqtigii midab takoor lagu hayay dadka madoobi uu aad u xooganaa. Iyadooy ay ugu wacan tahay dhibaatadan iyo cadaaadiskaa midab takoorka, qoyskiisii waxay go'aansadeen inay u guuraan meel kale si ay u helaan nolol ka fiican ta waqtiga ka jirtay dalkooda.
Morgan wuxuu jeclaa inuu noqdo aktar, lacagtiisa iyo waqtigiisa inta ugu badana wuxuu ku bixin jiray si uu u daawado aflaamta. Marar badan waxa uu isku dayay inuu noqdo aktar balse kumuu guulaysan. Waqti aad u dheer kadibna wuxuu is arkay isagoo duuliye ama pilot ka ah diyaaradaha milateriga.

Waqti kadib Morgan wuxuu xaqiiqsaday in mihnada uu dhab ahaan u jecelyahay ay tahay akteernimada, waxaanu go'aansaday inuu daba socdo oo aanu ka hadhin sidii uu actar u noqon lahaa. Morgan da'diisii waxay gaadhay 45 jir isagoon wax guul weyn ah gaadhin. Laakiin muu niyad jabi wuxuu sii wado iskudaygiiba, wuxuu guulaystay markay da'diisu gaadhay 50 jir ilaa uu kama dambaystii matalay filimada caanka.

Markay da'diisu noqotay 67 jir Morgan Freeman wuxuu ku guulaystay bilada aflaamta kadib jilidiisii loo wada bogay ee filimkii la magac baxay "Million dollar baby"

Casharada laga bartay noloshii Morgan Freeman.

1)Waxaad u malaynaysaa inaad ka habsaantay xiligaad riyooyinkaaga eryan lahayd? Wuxuu guul gaadhay markay da'diisu noqotay 67 sano jir: ma u malaynaysaa inaad da'a waynaatay? Morgan freeman wuxuu bilaabay inuu guulaysto markii ay da'diisu noqotay 50 jir. Haddii aad u jeelantahay oo aad jeceshahay inaad ku guulaysato wax, wali maad habsaamin.

2)Ma Nasiibaa ? mise waa Adkaysi ?: qofku si uu guul u gaadho waa inuu la kulmaa guul darooyin badan. Morgan Freeman wuxuu guuldaraystay marar badan ilaa ay da'diisu gaadhay 40 jir isagoon wax guul ah gaadhin, balse maadaama oo uu ah qof aad u adkaysi badan wuxuu maareeyay inuu ku guulaysto riyadiisii markuu 50 jir gaadhay. Dhinaca kale arintani nasiib ma'aha balse waa ku celcelin badan ilaa aad ka gaadhayso waxa aad rabto.

3)Raac Oo ka shaqee waxa aad jeceshahay: kuma lihi kuma guulaysan kartid shay haddii aanad jeclayn balse dhab ahaan waxay noqon doontaa mid aad kuugu fudud inaad ku guulaysato waxaad jeceshahay marka la barbardhigo ku guulaysiga wax aad neceb tahay. Hel waxa aad jeceshahay inaad qabato oo raac, haddii aad saa samayso fursadaha aad ku guulaysanayaan waxay noqonayaan qaar aad u heersareeya.

Waxa qoray Eng Yahya abass

Comments

Popular posts from this blog

DHEELI-TIRKA, FARXADDA IYO FADLIGA BISHA RAMADAAN

Maxaa Ahmiyad kuu leh Nolosha oo aad mudnaanta koowaad siisaa?