Sheekadii guusha ee Oprah Winfrey
Ma Waxaad Ku Nooshahay Nolol Adag?
Ma u malaynaysaa in noloshaadu adagtahay?
Ma u malaynaysaa in aanad guulaysan karin sababtoo ah faqiir baad tahay? Ama sababtoo ah malihid hanti kugu filan?
Hadaba waxyar sug hadaad saa moodaysid ilaa aad ka arkaysid sheekada noloshii Oprah. Oprah waxay ka dhalatay qoys faqiiriin ah. Hooyadeed iyo aabeeheed waxay ahaayeen qaar markasta isdagaala oo isfahan fiicani aanu dhex oolin ugu dambayntiina kala tagay. Oprah waxaa loo diray ayaydeed si ay ula noolaato. Waqti kadib Oprah waxaa dib loogu diray hooyadeed, taasi oo aan siin jirin daryeel iyo dareen badan. Waxaan umalaynayaa inaad sawiran karto dhibaatada ay leedahay waalidkii ku dhalay oo iska kaa fogaynaya kuna ignoregaraynaya. Oprah waxay dareentay inaan la jeclayn waxaanay bilawday inay istcimaasho daroogooyin iyo maandooriyayaal si ay iskaga yarayso murugada iyo xanuunka niyadeed ee haystay. Waqti kadib Oprah waxaa loo diray aabaheed si ay ula noolaato, kaasi ahaa nin aad u ad-adag. Inkastoo aabaheed ninkaa ad-adag hadana wuxuu ka caawiyay sidii ay iskaga joojin lahayd daroogooyinka ay isticmaalayso oo ay xooga u saari lahayd dhisida mustaqbalkeeda. Oprah waxay heshay shaqo wariye-nimo ahbalse waxyar kadib shaqadii waa laga eryay waxaana loo sheegay in aanay ku haboonayn inay TV ka shaqayso. Sideed dareemi lahayd haddii uu qof kuu sheego in aanad ku haboonayn inaad wax qabato? Isagoo qofka sidaa kuu sheegaya uu yahay qof waxaa khabiir ku ah ?
Miyaad quusan lahayd oo aad rajo dhigi lahayd?Oprah may quusan manay rajo dhigin.
Sideey guusha u Gaadhay Oprah Winfrey
Oprah markii dambe waxaa lagu casuumay inay marti galiso bandhig laga sii daynayay TV oo soconayay 30 daqiiqo. Sanad gudihii bandhigii wuxuu noqday mid caan noqda waxaana la kordhiyay waqtiguu soconayay iyadoo laga dhigay saacad. Intaa kadib bandhigii ama show-gii waxaa loogu magac daray "Oprah Winfrey Show" ama bandhigii Oprah Wenfrey. Intaa kadib Oprah waxay noqotay 1-aad uguna horeeya ee martigaliya bandhigyada TV yada laga hadlo iyo mid kamid ah dadka ugu caansan ee ka hadla TV-yada. Dhinaca dhaqaalaha Oprah waxay noqotay bilyaneer. Waa mid ka mid ah dumarka aad ku tirada yar ee qaatay ciwaanka bilyaneer-nimada. Waxaa jira xog aaduga badan oo la taxaluqa sheekada Oprah balse su'aasha iswaydiinta lihi waxay tahay maxaan kuugu sheegayaa sheekadan? Sababtu waxay tahay, waxaan ogahay inay jiraan dad badan oo ku liiday hoosna kuu dhigay, kuuna sheegay inaanad wax qaban karin isla markaana aanad ku fiicnayn. Sidoo kale waxaan rabaa inaan kuu sheego in dadka guusha gaadhaa ay badanaa la kulmaan diidmooyin la mid ah diidmadan ka hor inta aanay guulaysan.
Casharada Laga Barran karo Sheekada Oprah Wenfrey:
1.Wax dareen ah ha siin Diidmada:Ma Lagu diiday? Dhoola cadee oo iska dhaqaaji siina wad socdaalkaaga, haddii aad hore u sii socoto waxaad u cadayn doontaa kuwii ku diiday inay qaldanaayeen.
2.Fikrada ay dadka khabiirada ahi ku siiyaan micno weyn malaha : Oprah qofka diiday muu ahayn hooyadeed amase qof ay saaxiibo yihiin, balse waxaa diiday qof khabiir ku ah oo wax badan ka yaqaana warbaahinta una sheegay inaanay shaqadan ku soo baxayn! Hadana ay u cadaysay in fikirkiisu uu gabi ahaanba qaldanaa. Waxa laga yaabaa in xataa dadka khabiirada ahi ay ku guuldaraystaan inay arkaan aragtidaada mustaqbaleed iyo qorshayaashaada
waaweyn. Raac riyooyinkaaga horena ugu soco.
3.Raac riyooyinkaaga: Oprah muu niyad jabin faqrigii haystay, daryeel la'aantii waalid ee haysatay iyo xataa diidmooyinkii adkaa eelagala hor yimidayba. Iyadoon waxaa u joojinayn ayay hore u socotay ilaa ay ka guulaysatay.
W/Q Yahya Abass Ahmed

Comments
Post a Comment