DHEELI-TIRKA, FARXADDA IYO FADLIGA BISHA RAMADAAN
Xikmadaha ku jira bisha ramadaan waa kuwo Alle uun (swt) uu wada ogyahay. Waxa se aynu hubnaa kana mid ah inta uu Alle inoo sheegay. In ay tahay tiir ka mid ah tiirarka islaamka, oo ay waajib inagu tahay in la soomo. Waxa kale oo muhiim ah in aynu mar kastaba maankeenna ku hayno, wax kastoo Alle inagu faral yeelay in ay yihiin wax adduun iyo aakhiraba manfac inoo leh. Bisha ramadaan waxa hal mar aynu wada quudinaa afar ka mid ah tiirarka qofka shaqsiyaddiisu ay ka koobantahay. Waa ruuxdii oo aynu ku nooleynay cibaado, salaado iyo Qur’aan akhris intii hore ka badan. Jidhkii oo isna dhaqdhaqaaq iyo xarakaad ka helay salaadihii taraawiixda ee faraha badnaa, ka dib ajarka salaaddahu ay leeyihiin. Iyo waliba calooshii oo ka nasatay waqti ka mid ah waqtiyaddii ay wax cunaysay. Markii calooshii ay nasiino heshay, ruuxdiina neecow ayuu caqligiina shaqeeyay. Mar hadduu caqligu shaqeeyana fikir ayaa imanaaya, oo waxaad xasuusan in aad addoon Alle aad tahay iyo in ay
Comments
Post a Comment