"CABSIIDA DIB BEY KU DHIIGTA"

Dadku inta badan kama cabsadaan ineey khalad sameyaan ee waxay ka cabsadaan natiijada ka imaan karto khaladkaas.
Hadaba haddii aad ku dhex noshahay bey'ad inta badan aan dulqaad lahayn oo khalad walba oo ka dhaca wax kaga sheegaya, marwalba farta kuguso fiiqaya. Waxaad ubadantahay inaad dib uga dhacdo horumarka aad higsaneyso. Wayo waxa marwalba ku hor tagaan cabsiida.
"Aarma sidaas iyo sidaas lagu yiraahdaa".
Taasina waxay kugu Keeni kartaa inad maalin walba dib usi dhigto wax walba oo horay kuu wadi lahaa.
Maalinta aad go'ansato sida aad adiga isu aragto ineey ka muhiimsan tahay sida aay dadka kale ku arkaan waxa so afjermayo cabsiida marwalba dib ku dhigeeyso.

F.G "Haddii aad rabto inaan guul gaadho, ahdaaftaadana aad xaqiijiso, ha cabsan, balse waajah cabsida. Sida kaliya eed cabsida aad ku baabin kartaa, wa inaad marka hore iyada aad waajahdo. La saaxiib dadka kalsoonida badan, waxaad arki shay aad ka cabsatay oo ay iyagu horre u sameeyen, ka dib adigunae same say sameyeen. Mar walbana ogsoonow in cabsidu ay tahay fursadda geesiga lagu noqdo."

W/Q Eng Yahya Abass Ahmed

Comments

Popular posts from this blog

DHEELI-TIRKA, FARXADDA IYO FADLIGA BISHA RAMADAAN

Maxaa Ahmiyad kuu leh Nolosha oo aad mudnaanta koowaad siisaa?