Posts

Showing posts from April, 2019

Zhou Qunfei waa haweenay ganacsade ah, oo hal abuure ah

Image
Laga soo bilaabo raaciddii xoolaha illaa ay ka noqotay haweenayda ugu taajirsan dunida ee iyadu tabcatay hantideeda! --------------------------------------------- ----------------- Zhou Qunfei waa haweenay ganacsade ah, oo hal abuure ah, oo Chinese ah. Waxa ay dhalatay taariikhdu markii ay ahayd 1970-kii, gudaha magaalada Xiangxiang ee wadanka Shiinaha. Waxa ay ahayd ilmaha u yar saddex caruura oo waalidkeed isu dhaleen. Waxay ka dhalatay qoys fuquro ah, oo aad u liitay. Hooyadeed waxa ay geeriyootay iyada oo shan jir ah, aabaheed oo u shaqayn jiray reerka, kaaso warshad ka hawlgali jiray, horayna ciidan u ahaa, waa uu indho beelay. Kadib markii dhaawac kaso gaaray warshaddii uu ka shaqaynayay, farahiisana qayb baa go'day. Balse wali waxa uu maarayn jiray nolol maalmeedka caruurtiisa, maadama uu dambiilaha samayn jiray. Mrs. Zhou waxa ay iyada oo yar bilowday inay xoolaha dadka u raacdo, si ay lacagta ay ka hesho qoyskeeda ugu caawiso. Waxa ayna dhiganaysay dugsiga sare, bal

"Iskuulka dhexdiisa ayay igu waydiiyeen....

Image
"Iskuulka dhexdiisa ayay igu waydiiyeen waxa aan rabo in aan noqdo mustaqbalka. Waxa aan u sheegay in aan doonayo in aan noqdo “Qof faraxsan.” Waxa ay igu dhaheen “Ma aanad fahmin su’aasha.” Aniguna waxa aan ku dhahay “Idinna ma aydaan fahmin nolosha!” — John Lennon

Bilyinneerka xawaaraha sare kusocda!.

Image
Jeff Bezos CEO of Amazon. --------------------------------------------- ------- Bilyinneerka xawaaraha sare kusocda!. Akhriso illaa dhamaadka.... Jeff Bezos waa hal-abuure, ganacse, maalgaliye iyo deeq bixiye Maraykan ah oo ku dhashay Albuquerque, New Mexico, U.S sanadkii 1964-tii. Jeff Bezos waa aas-aasaha shirkadda Amazon oo ah shirkad qaab Online Shoping ku kala iibisa badeecooyinka (E.Commerce). Waana tan ugu wayn shirkadaha noocaas ah. Sidoo kale Amazon waa shirkad ka ganacsata internet-ka taaso leh boqollaal apps iyo websites ay dadku aad u isticmaalaan waana tan ugu dakhliga badan dhanka internet-ka. 24sano kahor 1994 ayay ahayd markii uu sameeyay shirkaddan Mr. Jeff, lacag dhan $300kun ayuu ku aas- aasay lacagtaas waxa uu kasoo qaatay waalidiintiis. Shirkaddu waxay shaqadeeeda si xawli ah ku bilowday sanadkii 1995-tii oo ay bilowday inay iibiso buugaagta. Labo sano kadib shirkaddu waxay heshay qiimo aad u sarreeya. Jeff waxa uu noqday Milyanneer hanti