Sheekadii Guusha Jack Ma (Alibaba.com) Jack Ma waa muwaadin u dhashay dalka china, kaasi oo ku guuldaraystay inuu ku biiro college-ka tiraba saddex jeer, ugu dambayntiina wuxuu si dirqiya ku dhaafay imtixaankii kadib markii uu sameeyay diyaarin iyo dadaal caadiga dhaafsan. Wuxuu isku dayay inuu shaqo ka helo maqaaxi cuntada lagu kariyo, laakiin badankoodii way diideen inay shaqada galiyaan. Kadib markii uu codsiyo badan oo shaqo ah meelo kala duwan u dirsaday eeloo diiday ayaa wuxuu go'aansaday inuu shaqo macalinimo raadsado sababtoo ah wuu ku guuldaraystay inuu shaqo taa dhaanta helo. Jack wuxuu dhigi jiray luuqada English-ta isagoo qaadan jiray lacag ka yar 10 dollar bishiiba. Ka hor intii aanu bilaabin dhigista luuqadan, Jack Ma wuxuu aad u jeclaa inuu horumariyo habka uu ugu hadlayo luuqadan, waxaanu 45 daqiiqo u kaxaysan jiray baskiishiisa maalin walba Huteel u dhaw oo ay dadka dalxiisayaasha ahi ku soo dagi jireen si uu ula hadloluuqadana English-tana iskaga dhiso. Jac...
Hadii aad aragto ruux wax un adiga ku dheer marnaba ha u maseerin ( ha u hinaasin) in aad sidiisa oo kale noqoto balse Allah ( SW) waydiiso inuu ku gaarsiiyo daraja ka sareeysa halka uu joogo , waayo taasi ayaa ah Hanka sare ee looga baahan yahay qofka muslimka ah ” Teeda kale naftaada haka dhaadhicin in ay qof kale u ogolaato inuu ka daraja sareeyo taa baddelkeed adiga ku ducayso in aad noqoto ruuxa ugu darajada sareeya , ugu aqoonta badan ugu caqliga bada waayo naftaada oo aad wax wanaagsan ka dhaadhiciso waxay keenaysaa in ay ku dhiirato siday u hanan lahayd waxa wanaagsan balse hadaad u fikirto in aad tahay ruux dadka u hooseeya oo aqoon gaaban , oo caqli liita, waxay taasi saameeyn wayn ku yeelanaysaa hadba waxa aad hanan karto . Hadii aan tusaale yar ku soo qaato qisa yar oo dhacday ” Hada kahor waxaa la yiri laba nin oo saaxibo ah misana isku aqoon ahaa ayaa shaqa xamaal ah kawada dalbadeen gego diyaaradeed (maddaar,garoon diyaaradeed ) , kadibna labadii nin...
Comments
Post a Comment