Hadii aad aragto ruux wax un adiga ku dheer marnaba ha u maseerin ( ha u hinaasin) in aad sidiisa oo kale noqoto balse Allah ( SW) waydiiso inuu ku gaarsiiyo daraja ka sareeysa halka uu joogo , waayo taasi ayaa ah Hanka sare ee looga baahan yahay qofka muslimka ah ” Teeda kale naftaada haka dhaadhicin in ay qof kale u ogolaato inuu ka daraja sareeyo taa baddelkeed adiga ku ducayso in aad noqoto ruuxa ugu darajada sareeya , ugu aqoonta badan ugu caqliga bada waayo naftaada oo aad wax wanaagsan ka dhaadhiciso waxay keenaysaa in ay ku dhiirato siday u hanan lahayd waxa wanaagsan balse hadaad u fikirto in aad tahay ruux dadka u hooseeya oo aqoon gaaban , oo caqli liita, waxay taasi saameeyn wayn ku yeelanaysaa hadba waxa aad hanan karto . Hadii aan tusaale yar ku soo qaato qisa yar oo dhacday ” Hada kahor waxaa la yiri laba nin oo saaxibo ah misana isku aqoon ahaa ayaa shaqa xamaal ah kawada dalbadeen gego diyaaradeed (maddaar,garoon diyaaradeed ) , kadibna labadii nin...
12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado. Dhallinyaro fara badan baa waxay intaa igu yidhaahdaan, waan jecel nahay wax akhriska, faa'iidadiisana waan dareen sannahay, haddana waan isku kari la'nahay. Haddaba waxaan jeclahay inaan qormooyinkan soo socda, aan idiinku soo gudbiyo sababo keeni kara in wax akhrisku kugu adkaado, ama aadan isugu arag inaad noqon karayso qof akhriyaa ah. 1. Arrimaha waawayn ee dhallinta ku koray dunida saddexaad wax akhriska nacsiiyay ama u tusay in aanay ahayn wax la jeclayso, waxa weeye buugtii waawaynaa (text books) ee kolka uu imtixaan innagu soo socdo aan necbaysan jirnay in aan kala furno ama aan ka meermeeraysan jirnay in aan soo qaadnaba. Marar badan waxa dhici karaysa in aynaan arrintan ku baraarugsanayn, laakiin waa xasuus ku kaydsan maskaxdeenna qaybta aan wacyiga lahayn (subconscious), se xasuustaasi mar kasta oo aan buug akhris ku fekerno si ogaal li'i ah ayuu ladhkeedu inoogu soo kacaa. Taasaana marar badan keenta...
Comments
Post a Comment