Bilyinneerka xawaaraha sare kusocda!.

Jeff Bezos CEO of Amazon.
---------------------------------------------
-------
Bilyinneerka xawaaraha sare kusocda!.
Akhriso illaa dhamaadka....
Jeff Bezos waa hal-abuure, ganacse, maalgaliye iyo deeq
bixiye Maraykan ah oo ku dhashay Albuquerque, New Mexico,
U.S sanadkii 1964-tii.
Jeff Bezos waa aas-aasaha shirkadda Amazon oo ah shirkad
qaab Online Shoping ku kala iibisa badeecooyinka
(E.Commerce). Waana tan ugu wayn shirkadaha noocaas ah.
Sidoo kale Amazon waa shirkad ka ganacsata internet-ka
taaso leh boqollaal apps iyo websites ay dadku aad u
isticmaalaan waana tan ugu dakhliga badan dhanka
internet-ka.
24sano kahor 1994 ayay ahayd markii uu sameeyay
shirkaddan Mr. Jeff, lacag dhan $300kun ayuu ku aas-
aasay lacagtaas waxa uu kasoo qaatay waalidiintiis.
Shirkaddu waxay shaqadeeeda si xawli ah ku bilowday
sanadkii 1995-tii oo ay bilowday inay iibiso buugaagta. Labo
sano kadib shirkaddu waxay heshay qiimo aad u sarreeya.
Jeff waxa uu noqday Milyanneer hantidiisu waxay dhammayd
$54Milyan.
Isla labo sano gudahood sanadkii 1999-kii ayuu noqday
Bilyoneer rasmi ah, hantidiisa la diiwan galiyay waxay ahayd
$10Billion, shirkadduna waxay noqotay mid qiimaheedu aad
u sarreeyo oo heshay Sheerar badan.
Jeff waxa uu marba marka kadanbaysa noqonayay qof
hantidiisu aad u korodho.
Sanadkii 1998 ayuu Google ku
maalgashtay $250kun taaso maanta u gaadhay $3.1Billion.
Maalgashiyo badan uu sameeyay iyo bixinta deeqo badan
ayaa waxaa sababay in hantidiisu hoos u dhacdo ku dhawaad
$20Billion muddo 10sano ah, 2010-kii ayay hantidiisu
noqotay $12Billion.
Isla sanadkii xigay 2011 ayay hantidiisu gaadhay $18Billion.
Halka shirkaddisu ay qiimaheedu aad sare ugu kacay oo ay
heshay qiimayn dhan $100Billion.
Waqtigaas waxaa bilowday mawjado hantiyeed oo saaxadda
maraykanka gilgilay kuwaaso u xaroonayay Bilyanneerkan.
Saddex sano kadib sanadkii 2014 ayay hantidiisu gaadhay
$30Billion.
Sannad kadib 2015 ayuu kamid noqday liistiga 10-ka qof ee
ugu taajirsan dunida, asagoo noqday qofka 5aad ee ugu
taajirsan caalamka. Hantidiisu waxay noqotay $50Billon. Hal
sano wax kayar waxaa kusiyaaday $20Billion, dawlado
caalamka ah ayaanan helin dakhligaas.
Sanadkii xigay bilowgiisii 2016 jeff waxaa naaqusay hantidiisi
asagoo hoos u dhacay $5Billion waxay lacagtiisu dhamayd
sanadkaas $45Billion.
Dhowr bilood kadib ayuu sameeyay sare u-kac aad u
ballaaran, hantidiisu waxay gaadhay $72Billion. 2017 bishii
koobaad ayaa loo diiwaan gashay inuu yahay qofka
saddexaad ee ugu taajirsan dunida.
Lix bilood kadib june 2017 ayay hantidiisu gaadhay $90Billion
waa sare u kac aad u ballaaran waana arrin aad ugu cusbaa
dunida dadka taajiriinta ah. Markaas ayay warbaahintu si
aan rasmi ahayn u shaaciyeen inuu Jeff yahay shakhsiga ugu
taajirsan dunida.
Balse March 2018 ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday inuu
yahay shakhsiga dunida ugu hodansan, hantidiisu waxay
noqotay $112Billion. Waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee
gaara 100Billion isla qofkii ugu horreeyay ee dhaafa ayuu
noqday.
Waxaa la diiwaan galiyay sanadkii hore bishii maarso 9keedii in
Jeff daqiiqad walba uu helayay $230kun, taaso kadhigan ay
saacad walba akoonkiisa kudhacaysay lacag kudhow
$14Milyan.
Wax kayar 3bil, June 2018 ayaa hadana la ogaaday in
hantidiisu gaadhay $150Billion waa sare u kac aad u
ballaaran.
Bishii Agoust ee aynu kasoo gudubnay hantidiisu waxay
maraysay $164Billion. Waxaa larajaynayaa in ay hantidiisu
gaadho dhamaadka sanadkan $200Billion.
Jeff waxa uu iibsan karaa saamiyada suuqyada wadamada
Nigeria, Egypt, Iran, Hungary iyo Luxembourg
dhammaantood.
Intii u dhaxaysay january 2017 illaa january 2018 lacagta
uu helay waxay dhantahay $33Billion. Waa in kabadan
hormarka dhaqaale ee ay sameeyeen 96dal oo dunida ah.
waxaa la isku raacay haddii uusan Jeff iibin lahayn
sheeararka Amazon qaybtood inay hantidiisu gaari kahayd.
$188Billion sanadkan bartamihiisii.
Jeff waxa uu ka dhaqaalo badan yahay in kabadan 130dal
oo dunida ah mid mid. Haddii uu wadan ahaan lahaa waxa
uu kamid noqon lahaa 57-dal ee ugu dhaqaalaha badan
dunida.
Mr. Bezos waxa ay is guursadeen Mrs. Mackanzie sanadkii
1993-dii,waxaa uu jooga 4 caruur ah.
Maanta Jeff waa shakhsiga ugu taajirsan dunida waana
qofka kaliya ee ah Centi-Billioneire (dadka lacagtoodu kor u
dhaaftay 100billion). Bill gates oo muddo badan kujiray
booskaas, waxa uu maanta kabadan yahay lacag kor u
dhaafaysa $70Billion.
Amazon maanta waa shirkad dakhligeedu dhan yahay
$180Billion kana mida kuwa ugu dakhliga badan dunida.
Sidoo kale qiimaha shirkaddu waxa uu gaaray hal Trillion,
waana tan labaad ee ugu qiimaha sarraysa Maraykanka
marka laga soo tago Apple.
Shaqaalaha u shaqeeya shirkaddan waxa ay kabadan yihiin
600kun oo qof. Waana tan labaad ee ugu shaqaalaha badan
gudaha maraykanka marka laga soo tago Walmart. Sidoo
kale waxa uu sheerar kuleeyahay shirkado badan Mr. Jeff.
300kun oo doolar ayaa isku badashay 164 Bilyan oo dollar
W/Q
Mohamud Dahir

Comments

Popular posts from this blog

DHEELI-TIRKA, FARXADDA IYO FADLIGA BISHA RAMADAAN

Maxaa Ahmiyad kuu leh Nolosha oo aad mudnaanta koowaad siisaa?