DHEELI-TIRKA, FARXADDA IYO FADLIGA BISHA RAMADAAN
Xikmadaha ku jira bisha ramadaan waa kuwo
Alle uun (swt) uu wada ogyahay. Waxa se aynu hubnaa kana mid ah inta uu
Alle inoo sheegay. In ay tahay tiir ka mid ah tiirarka islaamka, oo ay
waajib inagu tahay in la soomo.
Waxa kale oo muhiim
ah in aynu mar kastaba maankeenna ku hayno, wax kastoo Alle inagu faral
yeelay in ay yihiin wax adduun iyo aakhiraba manfac inoo leh.
Bisha ramadaan waxa
hal mar aynu wada quudinaa afar ka mid ah tiirarka qofka shaqsiyaddiisu
ay ka koobantahay. Waa ruuxdii oo aynu ku nooleynay cibaado, salaado iyo
Qur’aan akhris intii hore ka badan. Jidhkii oo isna dhaqdhaqaaq iyo
xarakaad ka helay salaadihii taraawiixda ee faraha badnaa, ka dib ajarka
salaaddahu ay leeyihiin. Iyo waliba calooshii oo ka nasatay waqti ka
mid ah waqtiyaddii ay wax cunaysay. Markii calooshii ay nasiino heshay,
ruuxdiina neecow ayuu caqligiina shaqeeyay. Mar hadduu caqligu
shaqeeyana fikir ayaa imanaaya, oo waxaad xasuusan in aad addoon Alle
aad tahay iyo in ay aakhrio dambeyso. Waxa intaa kuusoo raaca, waa
caadifaddii (laxawgii) oo isna hela naxariis iyo jacayl fara badan,
waxaad dareentay in ay jiraan dad badan oo sanadkoo dhan iyagu
gaajaysnaa . markaasaad qaybisay afur, sadaqo iyo sako. Waxaad meel ku
wada afurteen ehelkaagii, waxaanaad meel kuwada tukanaysaan salaadda
ciidda dhammaan bulshadaada idinkoo wada qurux badan oo is jecel.
Xadiis ayay kusoo aroortay. Markuu salmaan walaalkii abu dardaa ku yidhi :
· Rabbigaa xaq buu kugu leeyahay
· Naftaaduna xaqbay kugu leedahay
· Ehelkaaguna xaqbuu kugu leeyahay
Sidaa daraadeed Mid kasta sii xaqa uu kugu leeyahay…Rasuulkuna (csw) waakii yidhi run ayuu sheegay salmaan.
Haddii caqliga,
caloosha iyo camalka aad isku dheeli tirto waa hubaal in aad nolashaada
guud ahaan aad guulaysanayo aakhiro iyo adduunba. Bishanna waa bil aad
uga faa’iideysan karto in aad ku raadiso nolasha middeeda sareedada leh
uguna diyaar garawdo.
Waxa sidoo kale aad
helaysaa guud ahaanba bishan farxad iyo sacaado aad u badan, dagganaan
nafasadeed iyo cusboonaysiin. , sababtoo ah waxaad isku dheelli tirtay
nolashaadii, oo waxaad hal mar wada nooleysay: ruuxdii, jidhkii,
caqligii iyo laxawgii…
Gaar ahaan waxaad
farxadda ugu badan dareemi laba waqti, siduu Nabigu (csw) inoo sheegay;
qofka soomani laba farxadood ayuu leeyahay “xiliga afurka iyo maalinta
uu la kulmo rabbigii”. Cibaadada iyo Ruuxda oo la nooleeyaana iyagaa
udub dhexaad u ah dhammaan inta kale. Alla(swt) jinka iyo insiga wax
kale uma abuurin in ay isaga uun caabudaan mooyaane. Bishana bilaw illaa
dhammaad waa cibaado iyo Alle bari.
Dhanka kale Waa bil
ka fadli badan bilaha kale. Albaabaddii cadaabtaa la wada xidhay; kuwii
jannadana la wada furay; Shayddaankiina la silsiladeeyay. Waxaanay ka
mid tahay naxariisaha Alle ee faraha badan, ee uu addoomihiisa ugu tala
galay. Waa fursad qaali ah oo aad u qiima badan. Waxaad haysataa
jaanis aad ku badasho habdhaqan kasta oo tabnaa , kuna badasho kuwo
togan. Bisha lafteedu sii kala fadli badane, habeen habeenada ka qiima
badan ayaa ku jira, guud ahaan aan idhaahdee tobanka dambe, waa maalmo
mudan in si gaar ah loo sii xoojiyo cibaadada iyo xuska Alle.
Naftayda iyo taadaba
waxaan xasuusinayaa in aynu ka faa’iideysano. Allana ha inoo dhib
yareeyo hana ina siiyo khayrkeeda. Alle (swt) waxaan inoo weydiinaya in
uu naga yeelo, kuwo ka faa’iideysta ee hela naxariista iyo dambi dhaafka
bisha ku jira; inagana yeelo kuwii lagaga xoreeyo naarta, lana kulma
habeenka laylatul-qadriga. Aaaamiiiin aamiiin
Comments
Post a Comment