Noqo Qof Leh Han Sare
Hadii aad aragto ruux wax un adiga ku dheer marnaba ha u maseerin ( ha u
hinaasin) in aad sidiisa oo kale noqoto balse Allah ( SW) waydiiso inuu
ku gaarsiiyo daraja ka sareeysa halka uu joogo , waayo taasi ayaa ah
Hanka sare ee looga baahan yahay qofka muslimka ah ”
Teeda kale naftaada haka dhaadhicin in ay qof kale u ogolaato inuu ka
daraja sareeyo taa baddelkeed adiga ku ducayso in aad noqoto ruuxa ugu
darajada sareeya , ugu aqoonta badan ugu caqliga bada waayo naftaada oo
aad wax wanaagsan ka dhaadhiciso waxay keenaysaa in ay ku dhiirato siday
u hanan lahayd waxa wanaagsan balse hadaad u fikirto in aad tahay ruux
dadka u hooseeya oo aqoon gaaban , oo caqli liita, waxay taasi saameeyn
wayn ku yeelanaysaa hadba waxa aad hanan karto .
Hadii aan tusaale yar ku soo qaato qisa yar oo dhacday
” Hada kahor waxaa la yiri laba nin oo saaxibo ah misana isku aqoon ahaa
ayaa shaqa xamaal ah kawada dalbadeen gego diyaaradeed (maddaar,garoon
diyaaradeed ) , kadibna labadii nin ee saaxiibada ahaa waxaa loogu
yeeray bal in laga waraysto aqoonta ay u leeyihiin shaqada ay donayaan
in qabtaan, Mid waliba mar ayaa lala yeeshay waraysi gaar ah kadibna
waxaa la yiri
” jawaabta naga suga ”
” jawaabta naga suga ”
Maalmo yar guduhood mid waliba waxaa loo soo diray warqad ka socota
xafiiskii ay shaqada kawada dalbadeen , hadaba labadii nin mid kamid ah
waxaa loo soo diray warqad sidaan u qoran .
” Waan ka xunahay adiga ma tihid ruuxii aan raadinaynay oo shaqadaan ka soo bixi kara sidaa awgeed codsigaagii ma aqbali karno.”
Midkii kalana waxaa loo soo diray warqad ah sidan
”Hambalyo codsigaagii waa la aqbalay , waxaadna tahay ruuxii aan
raadinaynay , beritoolana waad bilaabi kartaa shaqadaada , Mahadsanid ”
Intaa kadib labadii nin ayaa is waraystay oo midkii cidsigiisii la diiday waxa uu saaxiibkii ku yiri
” war nin yahoow waa taan isku aqoon iyo isku xirfadba ahayn ee siday ku dhacday in adna lagu qaato anigana la i qaadan waayo ”
Arinku markay intaa maraysay waxay labadii nin go’aan ku qaateen bal in
ay ku laabtaan xafiiskii si ay u waydiiyaan waxa midna lagu qaatay midna
lagu diiday .
labadii nin ay saaxiibada ahaa waxa ay u tageen ninkii waraysiga ka
qaaday waxa ayna waydiiyeen bal inuu u sharxo waxa keenay midna in ay
qaataan midna ay diidaan ?
Ninkii waraysiga ka qaaday waxa uu ugu jawaabay sidan .
” Waxaan markii horeba raadinaynay hal shaqsi oo u qalma shaqadaan sidaa
awgeed markaan waraysiga idinla yeelanay waxaan ogaanay aqoonta aad
shaqadaan u leedihiin iyo waaya aragnimada aad ka haysataanba in ay isku
mid tahay balse anagu shahaadu iyo aqoon oo kaliya dadka kuma kala
saarno waxaanse eegnaa ( fiirinaa) hadba hamiga uu qofku leeyahay ,
Sidaa darteed su’aalihii la idin waydiiyay waxaa kamid ahayd su’aal ah .
-Waa maxay waxa aad jeceshahay in aad noqoto ? ,
Midkiin waxa uu noogu jawaabay :
” Waxaan doonayaa in aan noqdo shaqaalaha ugu wanaagsan ee ka shaqeeya halkan ”
Sidaa awgeed ayaan u diidnay in aan shaqaalaysiino ruux hamigiisa ugu wayn uu yahay weligii inuu shaqaale un ahaado .
sidoo kale isla su’aashaan waxaan waydiinay midkiin waxa uuna noogu jawaabay
” Waxaan doonayaa in aan noqdo Duuliye (baylood) ”
Sidaa awgeed waxaan u aragnay ninkaan inuu yahay qof han sare leh oo
laga yaabo shaqadeena inuu isbedel wanaagsan ku soo kordhiyo taasi
ayaana keentay in aan aqbalno codsigiisii.
DHAMAAD :
Muhiimada qisadaan waxa ay tahay , waa in qofku uu yeesho han sare waayo
waxaa la yiri dad waxaa ugu faqrisan ruuxii riyada faqri ku ah ,
hadiiba aad wax ku haminaysid ku hami in aad gaartid ( gaadho) halka ugu
saraysa ee qof bani aadam ah uu gaadhi karo waayo hadii aad geeriyooto
adiga oo aan gaarin halki aad tiigsanaysay ogoow waxaad geeriyootay
adigoo dad badan ka sareeya .
Waxaadna ogaataa hadii aad dadaasho oo aad Alle ( Sw) tala saarato
waxaad noqon kartaa wixi aad doonto adigaana mudnaan doona in wanaaga
lagaaga daydo hadaba iska daa in aad cidkale iska yeel yeesho adigoo
laga yaabo in aad awood u yeelan karto in aad noqoto hogaanka sare .
Run ahaantii waa in aad u fikirtaa si wayn oo aan cidna ku fikirin
weligeed waxay taasi ku dhexelsiinaysaa in aad gaarto daraja sare oo aad
adiga dad badan ugu noqonaysid tusaale ay ku daydaan.
Ugudambayntii Waxaan Allah (SW) waydiisanaynaa inuu naga dhigo kuwa han
sare leh oo hankoodu ugu wayn uu noqdo siday Janno ku heli
lahaayeen.Aamiin
Hadii aan wax saxay Allah (Sw) ayaa i waafajiyaay intii aan khaldayse Shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay .
-Dhalinta-maanta
xigsho daryeel magzine
Comments
Post a Comment