IS BEDEL TOGGAN
Waa run dhamaan is badal ayaynu u baahanay. laakiin inta badan way inagu adagtahay in aynu is badalno. Wax badan oo aynu rabno in aynu helno ama gaadhno waxa ay inagaga xidhanyihiin is badal aynu sameyno oo kaliyaata. Is badalku laba mid ayuu noqon karaa tusaale; qof wanaagsanaa oo xumaaday waa isbadal taban ama mid xumaa oo wanaagsanaaday waa is badal togan. Waxa aynu diirada yara saari doonaa midka togan. is badalku waxa uu ka bilawdaa fikirka waxa aanuu ku dhamaada ficilka. Mar kasta oo aad wax ka badasho hannaankaaga fikir, waxa is badala sidoo kale hab dhaqankaaga. Mar kasta oo hab dhaqankaaga ay wax iska badalaanna, waxa is badala natiijooyinkaaga. Sidaa daraadeed maskaxadaada oo aad badashaa waa bilawga is badalka nolashaada. Is weydii su’aalahan si ay inoogu dhib yaraato helitaanka bar bilawga is badalka togan ee aynu rabno • Maxaa faa’iido ah oo ku jira is baddal aan la yimaaddo? • Anigu maxaan u baahanay in aan baddalo? • Sideen u baddalayaa waxa aan rabo i