Posts

12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado.

Image
12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado. Dhallinyaro fara badan baa waxay intaa igu yidhaahdaan, waan jecel nahay wax akhriska, faa'iidadiisana waan dareen sannahay, haddana waan isku kari la'nahay. Haddaba waxaan jeclahay inaan qormooyinkan soo socda, aan idiinku soo gudbiyo sababo keeni kara in wax akhrisku kugu adkaado, ama aadan isugu arag inaad noqon karayso qof akhriyaa ah. 1. Arrimaha waawayn ee dhallinta ku koray dunida saddexaad wax akhriska nacsiiyay ama u tusay in aanay ahayn wax la jeclayso, waxa weeye buugtii waawaynaa (text books) ee kolka uu imtixaan innagu soo socdo aan necbaysan jirnay in aan kala furno ama aan ka meermeeraysan jirnay in aan soo qaadnaba. Marar badan waxa dhici karaysa in aynaan arrintan ku baraarugsanayn, laakiin waa xasuus ku kaydsan maskaxdeenna qaybta aan wacyiga lahayn (subconscious), se xasuustaasi mar kasta oo aan buug akhris ku fekerno si ogaal li'i ah ayuu ladhkeedu inoogu soo kacaa. Taasaana marar badan keenta

Qofku marka uu leeyahay hadaf

Image
Qofku marka uu leeyahay hadaf iyo hiraal uu nolosha hiigsanayo, uma istaago macmacaanka iyo wax kastoo hadafkiisaa ka jeedinaya.  :)

IS BEDEL TOGGAN

Image
Waa run dhamaan is badal ayaynu u baahanay. laakiin inta badan way inagu adagtahay in aynu is badalno. Wax badan oo aynu rabno in aynu helno ama gaadhno waxa ay inagaga xidhanyihiin is badal aynu sameyno oo kaliyaata. Is badalku laba mid ayuu noqon karaa tusaale; qof wanaagsanaa oo xumaaday waa isbadal taban ama mid xumaa oo wanaagsanaaday waa is badal togan. Waxa aynu diirada yara saari doonaa midka togan. is badalku waxa uu  ka bilawdaa fikirka waxa aanuu ku dhamaada ficilka. Mar kasta oo aad wax ka badasho hannaankaaga fikir, waxa is badala sidoo kale hab dhaqankaaga. Mar kasta oo hab dhaqankaaga ay wax iska badalaanna, waxa is badala natiijooyinkaaga. Sidaa daraadeed maskaxadaada oo aad badashaa waa bilawga is badalka nolashaada. Is weydii su’aalahan si ay inoogu dhib yaraato helitaanka bar bilawga is badalka togan ee aynu rabno • Maxaa faa’iido ah oo ku jira is baddal aan la yimaaddo? • Anigu maxaan u baahanay in aan baddalo?   • Sideen u baddalayaa waxa aan rabo i

Noqo Qof Leh Han Sare

Image
Hadii aad aragto ruux wax un adiga ku dheer marnaba ha u maseerin ( ha u hinaasin) in aad sidiisa oo kale noqoto balse Allah ( SW) waydiiso inuu ku gaarsiiyo daraja ka sareeysa halka uu joogo , waayo taasi ayaa ah Hanka sare ee looga baahan yahay qofka muslimka ah ” Teeda kale naftaada haka dhaadhicin in ay qof kale u ogolaato inuu ka daraja sareeyo taa baddelkeed adiga ku ducayso in aad noqoto ruuxa ugu darajada sareeya , ugu aqoonta badan ugu caqliga bada waayo naftaada oo aad wax wanaagsan ka dhaadhiciso waxay keenaysaa in ay ku dhiirato siday u hanan lahayd waxa wanaagsan balse hadaad u fikirto in aad tahay ruux dadka u hooseeya oo aqoon gaaban , oo caqli liita, waxay taasi saameeyn wayn ku yeelanaysaa hadba waxa aad hanan karto . Hadii aan tusaale yar ku soo qaato qisa yar oo dhacday ” Hada kahor waxaa la yiri laba nin oo saaxibo ah misana isku aqoon ahaa ayaa shaqa xamaal ah kawada dalbadeen gego diyaaradeed (maddaar,garoon diyaaradeed ) , kadibna labadii nin

Maxaa Ahmiyad kuu leh Nolosha oo aad mudnaanta koowaad siisaa?

Image
Philosophy Professor ayaa cashar siinayay Arday. Miiska hortiisa waxaa saarnaa laba dhalo waaweyn & kuwa yar yar oo ay ku jiraan dhawr shey oo kala duwan. Hal dhalo ayuu wuxuu ka buuxiyay Ciid, ka dibna wuxuu ku shubay dhagax-dixeed (quruurux). Wuxuu ardaydi weydiiyay in ay dhalada buuxdo? waxayna si fudud ugu jawaabeen Haa. Wuxuu soo qaaday Dhagax waaweyn, wuxuu isku dayay inuu geliyo dhalada Ciida & quruuruxa ka buuxo balse waa geli waayeen. Wuxuu weydiiyay Fasalki sida dhagaxda loo gelin karo dhaladan. Waxay inta badan oranayeen Ciida ka daadi qeyb, xoog u geli dhagaxda, iwm. Professor-ki ayaa u sheegay inay hilmaameen inay jirto dhalo kale halkan taal oo faaruq ah. Haddaba si uu u wada geliyo wuxuu marka hore ku riday Dhagxaanta waaweyn, wuxuu ku xijiyay Quruuruxa ka dibna wuxuu ku shubay Ciid. Wuxuu yiri Professor-ki, “Hada, waxaan rabaa inaad garataan in dhaladan ay mataleyso naftiina:- Dhagaxda waaweyn waa waxybaaha muhiimka ah – Diintaada, Qoyskaaga,

Caqabadaha Guusha

Image
Waxaad arki iyadoo marar badan la isku boorinaayo dalka ha la joogo iyo dalkii ha lagu laabto. Aragti ahaan anigu lama yaabo qof in uu ku noolyahay dalka ama dibaddiis mid kalana  uu rabo in uu hadda u guuro ama ka guuro. Waxaanse la yaabaa In badan oo inaga mid ah inay ku suganyihiin goor kasta iyo goob kasta Hadaf la’aan iyo Han yaraan.  Wax kasta oo hiraal iyo qorshe leh way ka qurux bataan  wixii aan lahayn. Dad guushoodana waxa kala sareysiiya ama dhadhan u kala yeelaa waa himilooyinka iyo yoolka qeexan.  Markab-ka bilaa naakhuudaha ah, wuxuu halis ugu jiraa inuu dhagax ama buur afka uu la galo. Sidaas oo kale qof bilaa hadaf ahina isna wuxuu afka saaraa  guul darro ama nolol aan haba yaraatee wax qiima ah ku fadhiyin. Markaa maxay macna sameynaysaa haddii markuu dalka joogana yahay mid iska nool. Markuu ka maqanyahayna uu kaba sii liito. Waxa hubaal ah qof hadduu hadaf iyo han leeyahay meel kasta iyo goor kasta oo uu ku suganyahay in dad iyo dalba loo aayi.

DHEELI-TIRKA, FARXADDA IYO FADLIGA BISHA RAMADAAN

Image
Xikmadaha ku jira bisha ramadaan waa    kuwo Alle uun (swt) uu wada ogyahay. Waxa se aynu hubnaa kana mid ah inta uu Alle inoo sheegay. In ay tahay tiir ka mid ah tiirarka islaamka, oo ay waajib inagu tahay in la soomo.  Waxa kale oo muhiim ah in aynu mar kastaba maankeenna ku hayno, wax kastoo Alle inagu faral yeelay in ay yihiin wax adduun iyo aakhiraba manfac inoo leh. Bisha ramadaan waxa hal mar aynu wada quudinaa afar ka mid ah tiirarka qofka shaqsiyaddiisu ay ka koobantahay. Waa ruuxdii oo aynu ku nooleynay cibaado, salaado    iyo Qur’aan akhris intii hore ka badan. Jidhkii oo isna dhaqdhaqaaq iyo xarakaad ka helay salaadihii taraawiixda ee faraha badnaa, ka dib ajarka salaaddahu ay leeyihiin. Iyo waliba calooshii oo ka nasatay waqti ka mid ah waqtiyaddii ay wax cunaysay. Markii calooshii ay nasiino heshay, ruuxdiina neecow ayuu caqligiina shaqeeyay. Mar hadduu caqligu shaqeeyana fikir ayaa imanaaya, oo waxaad xasuusan in aad addoon Alle aad tahay iyo in ay