Posts

Showing posts from August, 2019

12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado.

Image
12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado. Dhallinyaro fara badan baa waxay intaa igu yidhaahdaan, waan jecel nahay wax akhriska, faa'iidadiisana waan dareen sannahay, haddana waan isku kari la'nahay. Haddaba waxaan jeclahay inaan qormooyinkan soo socda, aan idiinku soo gudbiyo sababo keeni kara in wax akhrisku kugu adkaado, ama aadan isugu arag inaad noqon karayso qof akhriyaa ah. 1. Arrimaha waawayn ee dhallinta ku koray dunida saddexaad wax akhriska nacsiiyay ama u tusay in aanay ahayn wax la jeclayso, waxa weeye buugtii waawaynaa (text books) ee kolka uu imtixaan innagu soo socdo aan necbaysan jirnay in aan kala furno ama aan ka meermeeraysan jirnay in aan soo qaadnaba. Marar badan waxa dhici karaysa in aynaan arrintan ku baraarugsanayn, laakiin waa xasuus ku kaydsan maskaxdeenna qaybta aan wacyiga lahayn (subconscious), se xasuustaasi mar kasta oo aan buug akhris ku fekerno si ogaal li'i ah ayuu ladhkeedu inoogu soo kacaa. Taasaana marar badan keenta